daajis.com:- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo si weyn ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya u soo dhoweeyeen, Waxaana la sheegay inuu caasumaad ka helay dowladda Kenya, oo horay Xurguf xaga siyaasada ugu dhaxaysay.
Madaxweyne Shariif ayaa la rumeysan yahay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha, inkastoo aanu si rasmi ah ugu dhawaaqin, waxaana intii uu ka maqnaa masraxa siyaasada uu ahaa nin inta badan ka gaabsanayay ka hadalka xaalada siyaasadeed ee dalka.
Soomaaliya ayaa sanadkan lagu wadaa inay ka dhacdo doorasho, waxaana si aad ah isha ugu haya doorashooyinka dhici doona dalalka deriska ah oo la rumeysan yahay inay taageerayaan siyaasiyiin dhankooda u janjeera.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:30 and have
, Published at