daajis.com:- Waxaa dib u dhac ku yimid War Murtiyeedkii laga soo saari lahaa Shirka Madasha Wada-tashiga qaran ee Hoggaamiyeyaasha dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada uga socday magaalada Muqdisho, Shirkan oo galay maalintii Sadexaad ayaa la isku Mari waayey.
Madaxda Puntland iyo Jubbaland oo horay u diidanaa in Gobolka Banaadir xubno laga siiyo aqalka sare ayaa hada aqbalay, hase ahaatee waxaa ay shuruud ku xirayaan in xubnaha la siinayo ay iyaga ku lahaadaan xubin, maadaama ay tahay in lagu qeybsado 4.5.
Sidoo waxaa wali la isku afgaran tirada rasmi ahaan u helayo Aqalka sare iyo in xubnaha Maamul goboleedyada ee tiro dheeraadka la siiyay in laga soo jaro, Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Gobolka Banaadir loo qoondeeyay in la siiyo lix xubin, balse waxaa kala cadeyn in lixdaas xubin ay tahay mid dheeraad ah oo lagu darayo 54 kuraas ee horay loo caddeeyay iyo in saddexdii kursi ee dheeraadka la siiyay Puntland iyo Somaliland la siiyo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:30 and have
, Published at