daajis.com:- Booliska Spain ayaa shalay gelinkii dambe xiray Tababaraha Soomaaliyeed Jaamac Maxamuud Aadan oo loo yaqaano Jaamac Karaaciin, kaasoo tababare u ah Orodyahadanada u dhalatay dalka Itoobiya Genzebe Dibaba oo heysata Orodka 1500 mitir.
Jaamac Karaaciin iyo tababare kale oo ka soo jeeda dalka Morocco ayaa laga qabtay Hotel ay degenaayeen, iyadoo qolalkooda laga helay nooc ka mid ah daroogada mamnuuca ah ee kordhisa awooda jirka ciyaartoyda.
Xiriirka ciyaaraha fudud ee Adduunka ayaa sheegay in 28 ciyaartoyd laga baaray daroogada kordhisa awooda jirka, waxaana ciyaartoyda ay degenaayeen isla hotelka lagu qabtay.
Booliska ayaa Hotelka ka helay illaa 60-cirbadood oo la isticmaalay, lamana sheegin in dhamaad cirbadahaas laga helay qolka Jaamac Karaaciin iyo tababaraha kale.
Wargeyska the Telegraph ee Britain ka soo baxa ayaa sheegay in orodyahanka Britain ee Asalkiisu Soomaaliga yahay Mo Farah uu iska fogeeeyey inuu haatan wax wada shaqeyn ah la leeyahay tababare Jaamac Karaaciin.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:30 and have
, Published at