Daawo waraysi: Madaxwayne Cabdi Iley oo ka warbixiyey Sida wax uga dhaceen GAASHAAMO Isagoo difaacay ciidanka

Daawo waraysi: Madaxwayne Cabdi Iley oo ka warbixiyey Sida wax uga dhaceen GAASHAAMO Isagoo difaacay ciidanka

daajis.com:- Madaxwaynaha Dawlada Degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo ku suganaa Mudooyinka dalka Australia ayaa markii ugu horaysay ka hadlay Dhacdadii dhowaan ka dhacday Deegaanka Gaashaamo oo ay dad ku dhinteen.

Wuxuu sheegay in Wafdi ka socda Dawlada dhexe ee Itoobiya, Dawlad degaanka Soomaalida iyo Maamulada gobolada ay gaadheen deegaankaasi, Wuxuuna sheegay in dad laga qabtay Laba Gaadhi oo alaab Kootaro-baan ah lagu qabtay ay soo Abaabuleen dadka, iyagoo doonaya inay xoog kula baxaan gaadhiyada, Sidaasna ay ku bilaabeen Rasaasta, wuxuuna beeniyey inay ku dhinteen 40 Ruux.

“Ciidankii ayaa Xabad dhinac kasta looga furay, Howshuna sidaas ayay ku dhacday,  Sida xaqiiqda ah Waxaana meesha ku dhintay Labadii dhinac ee dagaalamay, Waxaana laga yaabaa in dad shacab ah ay meeshooda ugu Tagtay” Ayuu yidhi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada