daajis.com:- Dagaal qaraaran ayaa waxa uu Caawa ka socdaa deegaano hoostaga Gobolka Hiiraan.
Dagaalka oo Hub culus leysu adeegsanaayo ayaa waxa uu u dhexeeya Ciidamada Dowlada iyo maleeshiyaadka Al-shabaab.
Dagaalka xoogiisa ayaa waxa uu ka socdaa Degaanada ceel-cali, Wabxo iyo Buqaqable kaasi oo imaaday kadib markii ay maleeshiyada weerar gaadmo ah ku qaaday Goobo ay ku sugnaayen ciidamada dowlada.
Rasaas ayaa laga maqlayaa deegaanada aan kor kusoo xusnay, inkastoo dadka deegaanka ah ay soo warinayaan in dagaalka uu iminka xoogiisa qaboobay.
Ma jirto wax war dheeri ah oo caawa laga helaayo dagaalkaasi, waxaana adag in la ogaado xogta khasaaraha dagaalka.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:36 and have
, Published at