DEG DEG: Feeraryahankii caanka ahaa Maxamed Cali Kalaay oo geeriyooday

DEG DEG: Feeraryahankii caanka ahaa Maxamed Cali Kalaay oo geeriyooday

daajis.com:- Feeraryahankii caanka ahaa Maxamed Cali Kalaay ayaa ku geeriyootay isbitaal ku yaala magaalada Phoenix ee gobolka Arizona, halkaasoo khamiistii la dhigay, markii xaalad deg deg ah soo wajahday.

Maxamed Cali Kalaay oo 74 jir ahaa ayaa dhowr jeer ku guuleystay Suunka feerka Miisaanka culus ee adduunka, waxaana u geeriyooday cudur xaga sambabaha kaga dhacay.

Carruurtiisa ayaa sheegay in ka hor inta aan isbitaalka ay arkeen, neefsashada oo aad ugu adkeyd, taasna xaaladiisa adkeysay, isla markaana Isbitaal ula carareen.

Mr Kalaay ayaa muslimay sanadkii 1964, xilligaasoo markii u horeysay ku guuleystay abaal marinta biladii caalamiga ah ee feerka.

Waxaa lagu wadaa in lagu aaso magaalada Louisville ee gobolka Kentucky, sida ay sheegeen eheladiisa.

Maxamed Cali Kalaay ayaa ka mid ahaa feeraryahanadii ugu caansanaa ee soo mara Mareykanka iyo Adduunka, iyadoo lagu xusuusto xeeladihii uu u feertami jiray.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada