daajis.com:- Weerar xooggan oo isugu jiray qaraxyo ismiidaamin ah iyo mid toos ah ayaa gabal dhicii lagu qaaday hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho oo ku yaal wadada Maka Al-Mukarama.
Weerarka ayaa la sheegay inuu ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu weeraray afaafka hore ee Hotelka, kaasoo ahaa mid xoogiisa laga maqlay magaalada Muqdisho oo dhan, kadibna dabley hubeysan ayaa gudaha Hotelka u galay qaraxa marka uu dhaca kadiby, waxaana la maqlayaa rasaas aad u xoogan.
Ciidamada nabadsugida iyo kuwa sida gaarka u tababaran oo durbaba gaaray Hotelka uu weerarka ka socdo, ayaa iska caabin kaa kulmay maliishiyada gudaha hotelka u gashay, waxaana la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee uu sababay weerarkan.
hotel-qaraxAl-Shabaab ayaa sanadkii la soo dhaafay weeraro ku qaaday Hotelo dhowr ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho, iyadoo hotelada ay yihiin kuwo ay degaan Saraakiisha, Xildhibaanada, Mas’uuliyiinta dowladda iyo dadka qurbaha ka yimaada.
Weerarka lagu qaaday Hotelka Ambassador ayaa ku soo aadaya, iyadoo labo maalmood kadib la filayo inuu Muqdisho booqasho ku yimaado Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo sanadkii hore xilligii uu Muqdisho imaanayay maalmo ka hor la weeraray Hotel ay degenaayeen wafdi horu dhac u ahaa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:02 and have
, Published at