daajis.com:- Donald Trump oo ka tirsan Xisbiga Republican ee dalka Mareykanka ayaa wuxuu ka hadlay arimo ku saabsan burcad badeeda Soomaaliya iyo sida uu ula dhaqmayo marka uu xilka ku guuleysto.
Wuxuu marka hore wax lala yaabo ku tilmaamay in dhalinyarada burcad badeeda Soomaalida ay qafaashaan maraakiib caalamka isaga kala gudbeysa, wuxuuna soo hadal qaaday tirada maraakiibta ay qabsadeen burcad badeeda iyo dadkii sarnaa.
Wuxuu sheegay in ku dhawaad 40 markab oo kala duwan ay gacanta ku dhigeen, taasi oo uu ku tilmaamay wax lala yaabo, isagoo sidoo kale sheegay in dad badan ay gacanta u galeen oo ay ka qaateen lacag madax furasho ah.
Isaga oo ka hadlay sida uu ula dhaqmayo ayuu sheegay inuu kula dagaalami lahaa ama uu ku baabi’in lahaa kooxahaasi dhanka dhulka sida uu hadalka u dhigay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:30 and have
, Published at