daajis.com:- Qodobkan waa Xasaasi, Fadlan si Fiican u Akhri:-
Ragga Qaarkood (yar iyo weyn) Xeeladaha ay isticmaalaan si ay Gabadha uga Daneystaan waa sidan soo socota:-
In uu ka Dalbado in ay u soo Sawirto jirkeeda qeyb kastoo ka mid ah, isagoo dhahaayo:- Wejigaaga ii soo Sawir, Qoortaada ii soo Sawir, Shafkaaga ii soo Sawir, marka Dambena wuxuu leeyahay inta aad is Qaawiso isa soo Sawir.
Gabadhu wey iska Aminaysaa waayo jacaylka Run bey Ninka ka Moodeysaa, isaga Laftiisu intaa in le’eg ayuu u Dirayaa!.
Hadaba, Ragga qaarkood ayaa ka Dalbanaaya Gabadha in ay Xumaan wada sameeyaan. Haddii ay Gabadhu ka diido, wuxuu ugu Hanjabayaa in uu youtube-ka iyo Fb-gaba galinaayo Sawiradii haddii ay u diido.
Inantu Baqdin awgeed ayey Ninka Dalabkiisa u yeeleysaa, ilaa la ii sheegay Ragga qaar xitaa Asxaabtiisa ayuu u Ballamiyaa inanta oo aanay Diidi karin.
MUHIIMADA QORMADA:-
1- In ay Habluhu iska ilaaliyaan Xeeladaha ay Raggu isticmaalaan.
2- In aanay Waalidiintu Hablahooda yaryar u iibinin smartphone ila inta ay Caqliyaysanayaan.
Wabillaahi Towfiiq.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:30 and have
, Published at