daajis.com:- Markii uu arkay xishoodka iyo asturnaanta ka muuqata gabadha Muslinka ah, ayuu Sheydaanku ku yidhi: Sidee laguu Guursanayaa Adigoo Dharkan waaweyn Xidhan? Goorma ayuu Quruxdaada iyo muuqaaalkaga Arkayaan Ragga guurdoonka ahi? Quruxdaada iyo qiimaha da’daadu way dhamaanaysaa iyadoon Cidna ku Arag!
Inta ay dhoola Caddeysay ayay ku tidhi: Hadafkaygu waa inaan Allah (sw) Raali geliyo, kuma Raali noqonaayo inaan noqdo hilib Banaanka yaalla oo isha Waraabuhu ku Dhacdo.
Waan asturanahay inaan Dhowrsoonaado ayaan go’aansaday, marka aan xijaabka xidho, inaan Qaali ahay oo aan cirka Marayo ayaan Dareemaa.
Hadii Boqorada Taajkoodu Yahay Dahab!.. Gabadha Muslinka ahna taajkeedu Waa Xishood, dhowrsoonaan iyo akhlaaq Wanaagsan!
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:00 and have
, Published at