Haweeney reer boqor ah oo lagu dhacay dalka Fransiiska

Haweeney reer boqor ah oo lagu dhacay dalka Fransiiska

daajis.com:- Walaasha boqorka dalka Belgium-ka Princes Astird ayay wararku sheegayaan in dhawaan lagu dhacay wado high-way ah oo ku taal waqooyiga magaalada Paris ee caasimadda Fransiiska.

Dhacdadan ayaa ka dhacday xaafadda St. Denis ee agagaarka Aubervilliers oo dhanka waqooyi kala beegan magaalada Paris.

Baabuurki ay ku jireen oo taagnaa wado saxmad ah ama masquul badan ayaa waxaa ay burcad ku jabiyeen daaqadaa, iyadoona laga qaatay boorsadeedii gacanta oo ay ku jireen lacag 2000 Euro, aqoonsiyadeeda, iyo agab kale.

Burcadda falka geysatay ayaa ku socday mooto, waxaana ay ka baxsadeen goobta ka hor inta eysan imaan ciidanka amniga.

Ma cadda in burcaddu ogeyd cidda gaariga saaran iyo in uu shilkani ku dhacay si kama ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada