daajis.com:- Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Turkiga Reccep Dayib Erdogan, ayaa goordhaw waxa ay si wadajir ah xariga uga jareen dhismaha Safaarada Dowlada Turkiga ay ka dhisatay magaalada Muqdisho.
Munaasabada xariga looga jarayo Dhismaha Safaarada Turkiga ee Muqdisho waxaa kasoo qeyb galay Madaxda ugu sareysa Dowlada Federaalka Soomaaliya , iyo Madax kasocotay Dowlada Turkiga uu ugu horeeyay Madaxerynaha Turkiga.
Madaxweyne Reccep Dayib Erdogan, ayaa xiliagn kulamo gaar ah waxa uu xarunta Safaarada Turkiga ee Muqdisho kula leeyahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo masuuliyiin kale oo katirsan Dowlada.
Dhismaha Safaarada Turkiga ka dhistay Magaalada Muqdisho ayaa ah tan ugu balaaran ee Dowlada Turkiga ee ku leedahay daafaha Dunida, waxaana dhismaha safaaradan ku fadhidaa dhul aad u baaxad weyn oo kuyaala dhinaca xeebta Muqdisho gaar ahaan degmada Cabdcasiis.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK._____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 11:57 and have
, Published at