daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo labo xaasle ah ayaa muuqaal gaaban oo aan ka helnay muujinaayo sida Madaxweynaha marwadiisa ugu yahay romantic.
Muuqaalkaan oo aan ka qabanay mar Madaxweynaha iyo marwadiisa Sahro Cumar Xasan ay booqanayeen dhismaha safaaradda Somalia ee Nairobi ayaa waxay ku muujiyeen jaceylka labadooda ka dhaxeeya, iyagoo gacanta is dhex gashtay.
Laakiin muuqaalka ayaa laga dareemayaa in marwo Sahro ay dirqaneysay Madaxweynaha, halka isagana uu laalaadinayay oo uu iska fujinayay, walow laga yaabo in ay ka aheyd xishood maadaama madax kale ay hareerahiisa socdeen.
Madaxweyne Xasan ayaa qaba labo xaas, oo kala ah Sahro Cumar Xasan iyo Qamar Cali Cumar, waxaase la is weydiinayaa mida loogu yeerayo Marwada Koowaad “First Lady”, inkastoo safarada badan ee Madaxweynaha ugu ambabaxo dibada lagu arko Sahro Cumar Xasan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:30 and have
, Published at