daajis.com:- Gudoomiyaha Baarlamaanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta Booqasho gaaban ku gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG-ka ee Maamulka Koonfur-galbeed.
Gudoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay madaxda maamulka Koonfur Galbeed, waxaana loo galbiyey Madaxtooyada Baydhabo, iyadoo amniga magaalada Baydhabo uu maanta yahay mid ka duwan maalmihii hore.
Wararka waxay tilmaamayaan in ciidamada amniga ay aad u sugeen guud ahaan ammaanka Baydhabo, meelaha qaarna waxaa loo diidan yahay isku socodka gawaarida dadweynaha iyo kuwo gaarka loo leeyahay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 06:00 and have
, Published at