daajis.com:- Jaaliyadda kasoo jeeda Dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa kulan balaadhan ku yeeshay Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa jawaab ka bixiyeeen dhacdadii ka dhacday duleedka Gaashaamo, iyagoo sheegay in Xad gudub lagu sameeyay Xuduudka Itoobiya iyo Ciidamada Liyuu Booliska.
Sidoo kale waxay sheegeen inaan maamulka Somaliland, oo diiday Soomaaliya aanu Qabiil ahaan ku sheegan karin dad ku nool dhul ay maamusho Itoobiya “Waxa Suuroobaysa maaha, in Habaynkii Gaashaamo laga Xukumo Hargeisa, Maalintii ay Noqdaan Dawlad degaanka, waa Dhul Itoobiyaan ah, oo ka ay Xukunto Dawlada Itoobiya”.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa Jawaab lagu siiyey Faysal Cali Waraabe oo dhowaan ka hadlay dhacdadii Jaamac Dubad “Faysal Cali Waraabe anigu Siyaasi uma Aqaan, waa nin Habaynkii Isaaqu waxa ay ku shiraan Maalintii Banaanka keena oo Sirtooda Kashifa”.
Caaqil C.laahi Raabi ayaa wuxuu sheegay sheegeen in maanta Geeska Africa cida kaliya ee faani karta ay yihiin, Wuxuuna sidoo kale muujiyey taageerada ay u hayaan Cabdi Maxamuud Cumar “Hadii Qabiil geeska Africa maanta uu Faani karo, nin aan aniga ahayn ma Faani Karo”.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:00 and have
, Published at