daajis.com:- Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo taliyaha Nabad-Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee Gen. C/raxmaan Tuuryare ayaa gaadhay Dhismaha Hotelka Ambassador , halkaas oo xalay ilaa saaka ay ka dagaalamayeem dagalayahano hubeesan oo katirsan Al-Shabaab.
Masuuliyiintan ayaa u tagay Hotelka Ambassador sidii ay usoo arki lahaayeen qasaaraha ka dhashay weerarkii Hotelkaasi shalay gabal dhicii lagu qaaday, waxa ayna masuuliyintan kormeereen qeybo kamid ah Hotelka.
Weerarkii lagu qaaday Hotelka Ambassador waxaa ku dhintay dad ka badan 15-qof ay ku jiraan labo Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay dad ka badan 50-qof oo qaarkood qabaan dhaawacyo culus.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:29 and have
, Published at