MUUQAAL:- NATO iyo Ruushka oo qarka u saaran inay gacanta isula tagaan

MUUQAAL:- NATO iyo Ruushka oo qarka u saaran inay gacanta isula tagaan

daajis.com:-  Xiriirka Maraykanka iyo Ruushka ayaa gaaray halkii ugu hoosaysay tan iyo dhamaadkii dagaalkii qaboobaa, Kadib markii ay isku fahmi waayeen qalalaasaha ka taagan Ukraine.


Xulufada NATO oo Maraykanku hormuudka u yahay ayaa todobaadkan dhoolatuskii ugu balaarnaa ka sameeyey dalka Poland si ay u muujiyaan awoodooda ciidan.

Ruushka ayaa sanadii 2015 sameeyey in ka badan 2000 oo dhoolatus si uu u geliyo ciidamadiisa diyaar garow dagaal, Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhiga dalkaas.

Labada dhinac ayaa hanjabaado hawada isu mariyey marar badan, Waloow ay sheegeen inaysan diyaar u ahayn dagaal dhex mara.

Dagaal ka dhex qarxa labadan quwadood ayaa noqon doona mid si weyn loogu riiqdo, Maadaama ay ku hubaysan yihiin hubka Nukliyeerka oo ah mid si baahsan wax u gumaada.

HOOS KA DAAWO WARBIXIN AANU KA DIYAARINAY.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada