daajis.com:-Markii aan maagacay in aan laaco bacda oo aan doonayo in aan eego waxa ku jira oo aan sii taaban rabo ayaa gaari indhataree ah ee aad uraran ayaa na dhinac maraya kadib lugta haka qaraxdo (bug) kadibna gaariga oo alaab ka tan wayn ku rarnaa dhinac dhinac ha uliico baskii aan saarneen waxaa ku soo dul daatay dhoor loor oo bur ah.
Qaraxa waxaan u heesanay in ay aheed bacda ay gabadha uga dul dagtay kursiga ay fadhiday, hal mar ayaan ka war helnay gaariga kor wax uga soo dhaceen iyo qaraxa, waan argagaxnay, kala carar ayaa dhacay, nafta waa macaan, cidna ma cadeen karto qaraxa sida uu ku dhacay balsa waxaa la aaminsanyahay bacda in ay aheed mida sababtay qaraxa kadibna indhatareega ay wax gaarsiisay, intii inala saarneed gaariga waxay ku soo xoomeen aniga oo ay i dhahayaan ma nabad qabtaa, war miyee wax ku gaareen?
Dadkii gaariga iyaga oo aan hubsan dadka hareeraha ka taagan ee shilka meesha ka dhacay daawanayay ayee waxay la soo boodeen "walllahi waa bacda waxa qarxay, naagta indho shareeran uma bogin" dadkii goobta taagnaa ayaa sheekada nala wadaagay waxa aan ku hadaaqeeno maqlaya.
Daqiiqado uun kadib waxaa dhan kasta ka yimid ciidanka dowladda Somalia, gaar ahaan kuwa u xilsaaran sugida amniga, sida aan filayo qof uun baa hoos teleefoon uga diray oo war galiyay dhacdada meesha ka dhacday.
Dhamaanteen waa nala wada qabtay intii saarneed gaariga, rakaabkii ayaa eeda dusha iga saaray iyagoo is bari yeelaya, waxayna dhaheen ninkaan ayee is garanayaan naagta indho shareeran isaga ayaa ahaa ninka hadalka la wadaagayay walibana ay siisay lacago.
Wax yar kadib waxaa la hareereeyay gaariga iyagoo loo diiday dadwaynaha iyo gawaarida in aysan usoo dhawaan gaariga masaafo ilaa xoogaa u jirto, waxaana yimid ciidanka ku taqasusay miino baarista.
aniga waxaan bilaabay dafiraad iyo diidmo ku aadan in aan is heyb naqaano gabadha indho sahareeran, dhidid waa wayn wuu iga socdaa, jawi cabsi badan waan dhex galay.
Qaar katirsan ciidanka markii loo sheegay gabadhii in ay gashay maqaayada, waxay ku yaaceen maqaayada, waxaana banaanka la keenay wixii dumar ahaa ay ku jiray maqaayada, laakiin wixii la soo qabtay oo dumar ahaa ugama dhex jeedo gabadhii indho shareerneed.

Aniga indhaha ayaa la iga xiray, gaari ciidan ahna waa la isaaray, meel aan ka fogeen goobta ayaa la ila tagay inkastoo aysan jirin wax jir dil ah.
askariga ama taliyaha i ag taagan teeleefookiisa oo ah teleefoon ay ciidanka wataan ee fooneeyaha (sida taarka camal) ah ayaa hadal waxaa soo dhacay ah in naag suuliga maqaayada ku jirto oo la maleenayo mida la tuhun sanaa, sheekada waxaan kala socdaa fooneeyaha waana indho xiranahay, qofkii dumarka ahaa waa la soo qabtay anigane indhaha ayaa la iga furay waa la i hor keenay, waxaa la i yiri ma gabadhaan miyaa mida gaariga kula saarneed ciidanka qoryaha ay sitaan amaanka wuu ufuranyahay? anigane waxaan ku jawaabay .
la soco qeybta 4aad habeen danbe inshaAllah
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:58 and have
, Published at