daajis.com:- Booliska magaalada Orlando ayaa shaaca ka qaaday in50-ruux lagu dilay weerar ka dhacay club ku yaal magaalada Orlando ee gobolka Florida, halkaasi oo ay ku caweynayeen “lagaroonayaasha” , waxayna booliska ku sheegeen dhaawaca mid kor u dhaafaya 53-ruux.
Magaalada Orlando ee gobolka Florida oo xilliga weerarku dhacayay ay aheyd xili waaberigii hore, waxaana gudaha u galay nin hubeysan oo rasaas la beegsaday dadkii, qaar kalena qafaashay.
Club lagu caweeyo ee la weeraray ayaa caan ku ah in ay adeegsadaan dadka loo yaqaan “lagaroonayaash”, waxaana ay boolisku sheegeen in ruux ka mid ah ragga weeraraka fuliyay uu ku dhintay gudaha Club-ka Pulse.
Waxaan wali kala cadeyn in dadka weerarka fuliyay ay dhowr ahaayeen iyo in uu ahaa hal ruux oo keliya. Dhanka kale FBI-da mareykanka ayaa weerarkan ku sheegtay mid argagixiso.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:10 and have
, Published at