Shabaab oo xabsi cariiri ah ku guray Odayaal dhaqmeedkii ugu badnaa (Sababta)

Shabaab oo xabsi cariiri ah ku guray Odayaal dhaqmeedkii ugu badnaa (Sababta)

daajis.com:- Wararka ka imaanaya Degaanka Kamboole ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa sheegaya in halkaasi ay maleeshiyada Al-shabaab ka xirxireen tirro Odayaal dhaqmeed caan ka ahaa deegaankaasi.

Odayaasha ay maleeshiyada qafaasheen ayaa tirro ahaan lagu sheegay ilaa 12 Oday kuwaasi oo siyaabo kala duwan looga soo saaray guryahooda, halka qaarna laga qafaashay wadooyinka.

Odayaasha ugu badan ayaa waxaa lasoo warinayaa in laga qafaashay deegaan lagu magacaabo Garboole, oo qiyaastii 50-km u jira magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe.
Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa Odayaashaani ula dhaqaaqay deegaan lagu magacaabo Shaw oo katirsan gobolka Hiiraan.

Odayaasha la Xir xiray ayaa la sheegay in Al-shabaab ay isku maandhaafeen Qaadista Xoolaha laga qaado Dadka Reer Guuraaga ah ee ku nool Miyiga Shabellaha Dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Shabellaha Dhexe ayaa Xaqiijiyay Xariga Odayaasha islamarkaana sheegay in Shabaab ay si Cad u xir xireen Odayaal dhaqan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada