daajis.com:- Ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa Shabakadda Daajis waxay u xaqiijiyeen in maamulka Somaliland ay Hal shardi ku xireen kusoo laabashada Soomaaliya, islamarkaana ay dib u qaataan calanka Baluugga ah ee xidigta Shanta Gees Leh.
Xubnaha wada hadallada u matalaya Somaliland ayaa sheegay in Soomaaliya ay kusoo laaban doonaan marka awood qeybsiga guud ee dalka laga dhigo sidii 60-kii oo wax loo qaato Koonfur iyo Waqooyi.
Waxay sheegeen xubnahan in hadda Soomaaliya aanay imaan karin maadaama ay weli Koonfurta wax ku qeybsato qaab qabiil, islamarkaana ay sheegaan in Somaliland ay wax siiyaan.
Turkiga oo wada dadaalka ugu xooggan ee midnimada Soomaaliya ayaa ku qanciyey Soomaliland in wax walbo loo sameyn doono balse ay muhiim tahay in dalkooda kusoo laabtaan.

Somaliland ayaa in ka badan 20 sano sheegata inay tahay dal ka madax banaan Soomaaliya balse weli ma aanay helin wax aqoonsi ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:31 and have
, Published at