Trump oo aflgaadeeyey Soomaalida iyo jawaab kulul oo laga bixiyey

Trump oo aflgaadeeyey Soomaalida iyo jawaab kulul oo laga bixiyey

daajis.com:- Musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee madaxtinimada Mareykanka Donald Trump, ayaa dhowaan weerar kulul ku qaaday Soomaalida Mareykanka oo uu ku sheegay inay yihiin dad wada argagixiso ah oo ku biiraya kooxda Daacish.

Global Somali Diaspora ayaa si kulul u cambaareeyay hadallada Donald Trump ee ku aadanaa Soomaalida Mareykanka, darbiga uu sheegay in uu ka dhisayo inta u dhaxeysa Mareykanka iyo Mexico, dadka uu masaafurinayo iyo arrimo kale oo ninkan caan ku yahay.

Global Somali Diaspora waxaa ay sheegeen in Trump hadalkiisa ahaa in Soomaalida Minnesota ay isku dayeen ku biirista Daacish ay ka muuqato naceyb, xaqiraad iyo yasmo ku aadan kaalinta ay bulshada Soomaaliyeed ka ciyaaraan horumarka iyo dhismaha dalka Mareykanka.

Ugu dambeyntii Global Somali Diaspora waxaa ay Donald Trump ku casuumeen kulan dhexmara labada dhinac iyadoo sheegan in ay wax badan ka tusi doonaan kartida iyo sida ay bulshada Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool Mareykanka u hormariyaan, waase haddii arrinkaas uu diyaar u yahay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada