daajis.com:- Kenyatta ayaa sheegay Nabadda iyo Xasiloonida Somaliya inay muhiim u tahay dalka Kenya, islamarkaana ammaanka dalkaasi uu noqonaayo mid hagaagsan.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay Caalamka in ay gacan ka geystaan nabadeynta Somaliya oo ay colaado ragaadiyeen in ka badan 20 sanno.
“Kenya Nabad kuma naalooneyso, ilaa laga soo celiyo Nabadii iyo kala dambeyntii ka jirtay dalka Somaliya.” Sidaaasi ayuu yiri Madaxweyne Kenyatta.
Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in loo baahan yahay helida Dhaqaale badan oo lagu wiiqo Awooda Shabaabka Somaliya ka dagaalama.
xasan shiikh iyo uhuro
Waxa kale uu sheegay ciidamada Xooga dalka Somaliya oo sare loo qaado tayadooda inay qayb ka qaadan karto nabadda Somaliya.
“Waa in la helaa dhaqaalo badan, lana xoojiyaa awooda iyo tayada Ciidamada Xoogaga Dalka Somaliyeed si looga adkaado Al Shabaab.” sidaasi ayuu yiri Madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Al Shabaab ayaa falal lidi ku ah dhanka ammaanka waxa ay ka geystaan dalka Kenya, oo Somaliya jaar ah la’ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:21 and have
, Published at