Video: Shacabka Hargeisa oo sheegay inay isu dhiibayaan Maamulka Soomaalida Itoobiya & Sababta (Daawo)

Video: Shacabka Hargeisa oo sheegay inay isu dhiibayaan Maamulka Soomaalida Itoobiya & Sababta (Daawo)

daajis.com:- Shacabka ku dhaqan Xaafada Faluuja ee Koonfur Galbeed Magaalada Hargeysa ayaa waxay sheegeen inay isku dhiibi doonaan Maamulka Soomaalida Itoobiya oo uu Hogaamiyo Cabdi Maxamuud Cumar.


Khadan Ismaaciil Maxamuud oo ka mida hooyooyinka degan xaafadaasi,   iyadoo arintaas si kulul uga hadlaysa ayaa waxay tidhi ‘”Waxaanu ku biiiri doona Kilarka Shanaad oo aanu waraaqahayaga geysan doonaa, Maanu Arag Dawlad la yidhaahdo Somaliland, Marka Doorashada ayaa Codka nalaga soo doontaa”

“Waa nasiib daro in duleedka magaalada Hargeysa amase caasimada dhexdeedi in la soo helo, dad gaajo ugu bakhtiyaaya hadii buulasha qaar Kamarada lagu qabto waxaa la dareemaya in cabsidii Ilaahay tu ka sii balaadhan ay ku galayso, hase yeeshe argagaxu meela kuma yare waxaanu codsanaynaa in si degdega na loo soo gaadho, hadii kale loo ogolaado inay iska dhiibaan Kilalka Shanaad ee Itoobiya oo aanu iska masaxno magaca Somaliland oo dhan”

Maryan Siyaad oo ka mida hooyooyinka degan isla xaafadan oo ka hadashay nolosha dada ku nool Xaafada ayaa tidhi ” Maanta waxaan Illaahay ugu dhaaranaya oo Walaahiya Oo Bilaahiya, Oo Tolaahiya oo anigeygaa hadlaya aan ka mid ahey inaan Bishaa Barakeysan ee Rabadaan haday soo gasho aanan heysan, wax Alla iyo wax aanu ku Soono”


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada