daajis.com:- Xildhibaano katirsan Baarlmaanka Federaalka ee Waqtigiisa sii dhamaayo ayaa intii ay xillka hayeen qaarkood waxa ay albaabada ka xirteen dadkii ay matalayeen sida Odayaasha Beelahooda hogaamiya , Aqoonyahanada iyo dhalinyarada.
Waxa ayna Xildhibaanadan aan xusnay ay ixtiraam daro u muujin jireen Odayaasha , Aqoonyahanada iyo dadka kale ee kasoo jeed beeshooda, waxa ayna isku heesteen xili waliba in iyaga kaliya loo baahan yahay balse iyagu aysan dad u baahneyn.
Xaalka ayaa hada is badalay, waxa ayna arintu kusoo aruurtay ninkii Xildhibaanimo raboow tolkaaga ka doono, waxaana Xildhibaan walbo uu kusoo baxayaa codka dadka uu matalo kuwaa oo u dooran doona in uu ku matalo Baarlamaanka cusub.
Xildhibaanadii markii hore tolkooda albaabada ka xirtay ayaa hada bilaabay xod xodasho been ah, iyagoona isku dayaya in ay raadiyaan Odayaasha beeshooda hogaamiya, waxaana qaar badan ku adkaatay in xitaa ay la lulmaan Odayaasha kadib markii loo deeriyay alabaabadana markooda laga xirtay.
Waxaa sidoo kale jira Xildhibaano gogol u dhigay Odayaasha Dhaqanka iyo dadka wax galka ah ee beeshooda kasoo jeeda, balse aan loo imaan kadib markii la xasuusiyay habdhaqankoodii hore intii ay xilka hayeen.
Xildhibaano sidoo kale ku tashanayay in ay lacag wax ka dhigeyso ayaa iyaguna hada xaalka ku xun yahay kadib markii ay taageero ka waayeen dadkii ay matalayeen, waxaana taa badalkeeda dadku badi taageerayaan dad kale ay is leeyihiin kuwii hore wey dhaamaan.
Doorashada la filayo in ay dhacdo ayaa Xildhibaan walba waxaa dooran doona 51-qof oo kasoo jeeda beesha u matalayo, waxaana tani ay meesha ka saareysaa in ay mar kale Xildhibaano noqdaan dadka aan horey dadka ay matalaan waxbo ugu qaban albaabadana ka xirtay intii ay xilka hayeen.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:13 and have
, Published at