Yaa Udiiday Cabdiwali Gaas iyo G.Gabre Inay Lakulmaan xoghayaha Arimagha Dabadda Ingiriiska?

Yaa Udiiday Cabdiwali Gaas iyo G.Gabre Inay Lakulmaan xoghayaha Arimagha Dabadda Ingiriiska?

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Britain Philip Hammond oo booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa wafdiga uga xog waramey xaaladda dalka, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, dib u dhiska ciidammada iyo mahad celin ku saabsan taageerada Britain ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xassan ayaa kugacan saydhey inay kulanka Kasooqayb gabaan Gaas iyo Gabre oo siyaabo kala duwan udoonayay kaqabgalka

Gaas ayaa Damacsanaa inuu Dacwadka Dhan ah Xassan Sheekh ugudbiyo Xoghayaha Halka Gabre uu Rajeynaayay inuu dhageysto Dacwad kadhan ah Itoobiya iyo Kenya O u Kagudbiyay Ninka United Nations Uqaabilsan Arimaha Soomaali Keatan.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Britain Mr Hammond ayaa ugu horeyn Madaxweynaha uga tacsiyeeyay geerida shacabkii xalay ay argagixisada ku dileen Muqdisho, waxaana uu intaa kadib soo dhoweeyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso dhinacyada siyaasadda, amniga, la dagaalanka argagixisada iyodib u soo nooleynta hay’adaha dowliga.

Labada dhinac ayaa si qota dheer uga wadahadley iskaashiga dhinaca amniga, xoojinta barnaamijka dowladda ee la socodka nidaamka maaliyadda, taageerada barnaamijka isku dhafka ciidammada, iyo wadashaqeynta ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM iyo ciidammada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale wasiirka u xaqiijiyey in Soomaaliya ay ka go’an tahay inay sannadkan doorasho qabato, taas oo dhici doonta waqtiga loogu talagaley ee ah bisha August ee sannadkan 2016-ka. Waxaa uu Madaxweynaha ka codsadey Mr Hammmond inuu salaan iyo mahadnaq ka gaarsiiyo Ra’iisul Wasaaraha Britain, David Cameron.

Ugu Danbayntii Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Britain, Mr Philip Hammond ayaa iska hadalkiisa ku soo gabagabeeeyay in Britain iyo xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cameron ay ka go’an tahay taageerada Soomaaliya, dhinacyada horumarka, kaabeyaasha dhaqaalaha, amniga iyo wax walba oo gacan ka geysanaya in mar kale Soomaaliya ay cagaheeda dib isu taagto.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada