Axmed Madoobe oo Sheegay inta 4,5 Lagu Soo Xulayo Saraakiisha Qaranka uusan Qaran Dhismi karin (Dhagayso)

Axmed Madoobe oo Sheegay inta 4,5 Lagu Soo Xulayo Saraakiisha Qaranka uusan Qaran Dhismi karin (Dhagayso)

daajis.com:- Madaxweynaha Jubbaland mudane, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay inay adag tahay sameynta Siyaasada Amniga Qaranka, inta Saraakiisha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed lagu qaybsanayo hab Qabiil.

Axmed Madoobe ayaa wuxuu sheegay inay muhiim tahay markasta ciidamada Xooga dalka Somaliya iyo Saraakiishooda inaan lagu kala qaybin Qabiilka, taasi oo ah caqabada koowaad ee hor istaageysa dhismaha ciidan Qaran.


Wuxuuna madaxaweynaha soo jeediyay iyadoo laga fekeraayo dhismaha ciidanka Qaranka in laga gudbo Qabaa’ilka dadka Somaliyed ay wax ku qaybsadaan, si ciidan Qaran uu u dhismo.

Wuxuuna yiri. “Inta Saraakiisha ciidamada Xooga dalka lagu soo xulaayo, kani waa reer Hebel iyo reer Hebel, ilama ahan in la dhisi karo Siyaasad ciidan Qaran ah, Taliyaha ciidanka waa reer Hebel inta la leeyahay taasi waa ay adag tahay ciidanka waa inay noqdaan kuwa Qaran oo isku dhafan oo Qabiil aanan laheyn, balse leh Qaran.” Ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay Soomaaliya hadii ay hesho ciidan Qaran oo isku dhaf ah, inay la dagaalami karto cadow kasta ee ka horyimaada.

Dhagayso.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada