daajis.com:- Ugaaska Beesha Xawaadle ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa siwayn uga Horyimid Qorshaha la doonayo in maamul ganac ku samays ah loogu sameeyo Gobolada Shabeelada dhexe iyo Hiiraan.
Magaalada baladwayne ayaa waxaa dhowr jeer kusoo laabtay Xubno ka socday IGAD oo ay Hogaaminayeen GABRA iyo Maxamed Cabdi Afey, wuxuuna ugaasku si cad ugu sheegay go’aanka Shacabka gobolka Hiiraan.
Dadka Soomaaliyeed oo mudooyinkii ugu danbeeyay Arki jiray in meesha uu tago GABRe aanu Hadal lagu soo celin Jiray, ayaa siwayn u bogaadiyey go’aanka geesinimada leh ee ugaasku uu qaatay.
Farshaxanka Soomaaliyeed ee Amiin Caamir ayaa Sawir Ku muujiyey Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo shacabkii ka Badbaadiyey Waraabe-yaal doonayey inay Hilfaha u qaadaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:30 and have
, Published at