daajis.com:- Ciidamada Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed (NISA) ayaa soo bandhigay rag lagu soo qabtay fal burcadnimo ah oo ay ka wadeen xaafado ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa ee magaalada Muqdisho.
Raggan oo ka koobnaa saddex qof ayaa midkood baxsaday intii uu howlgalku socday, waxaana xabsiga loo taxaabay xabsiga si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Nabadsugidda Gobolka Banaadir G/sare Maxamed Xasan Faarax (Faranfar) ayaa sheegay inay raggani ku qaraaban jireen magaca hay’adda Nabadsugidda isla markaana dadka ka qaadan jireen wixii ay haystaan.
Qaar ka mida dadka dhibbanayaasha ahaa ee ay dhaceen Burcaddan abaabulan ayaa sheegay inay saq dhexe u iman jireen iyagoo isugu sheegi jiray inay yihiin nabad sugidda qaranka, iyagoo dabeeta ka qaata Mobillada, kombiyuutarrada gacanta, Lacagaha, Baasaboorro, ID kaarro, Shahaadooyin iyo wiixii kale ee ay gacantooda qabato.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK._____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 10:00 and have
, Published at