Daawo:- Khudbadii Madaxwayne Cali Khaliif iyo Boqor Burhaan Boqor Muuse

Daawo:- Khudbadii Madaxwayne Cali Khaliif iyo Boqor Burhaan Boqor Muuse

daajis.com:- Madaxwaynaha maamulka khaatumo Prof: Cali Khaliif Galaydh oo Hadal ka jeediyey Aas Qaran oo magaalada Balicad loogu sameeyay Garaad Abshir Saalax, ayaa siwayn ugu mahad celiyey Isimada dhaqanka Soomaalida iyo Wufuudii kala duwaanaa ee kasoo qayb galay Aaska, Wuxuuna sidoo kale bogaadin u soo jeediyey Ergooyinka Nabadaynta ka dhexwada Beelaha Koonfurta Gobolka Sool.


Prof: Galaydh ayaa siwayn u bogaadiyey Shacabka ku dhaqan magaalada Balicad, Wuxuuna sheegay waxyaabaha uu ka yaqaanay Garaad Abshir oo Mudo badan soo wada Shaqeeyeen.

Dhinaca kale Boqor Burhaan Boqor Muuse oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Qofka oo dhadhamin doono Geerida, Isagoona tacsi u diray guud ahaanba dadka Soomaaliyeed iyo Ehelada Garaadka, Wuxuuna sheegay in wax badan ka wada shaqeeyeen danaha Soomaalida, Islamarkaana uu ahaa nin Ixtiraam badan oo afkiisa iyo Adinkiisaba laga nabad galay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada