DAAWO: Madaxwaynaha Soomaaliya oo Kigali kula kulmay dhigiisa Masar

DAAWO: Madaxwaynaha Soomaaliya oo Kigali kula kulmay dhigiisa Masar

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Kigali ee dalka Rwanda kula kulmay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah Al-Sisi. Kulanka Labada madaxweyne ayaa dhacay inta lagu guda jiray shir madaxeedka Midowga Afrika ee shalay ka furmay Kigali.


Madaxweynaha Masar Al-Sisi ayaa sheegay inay ka qeyb qaadanayaan soo celinta xasiloonida Soomaaliya, isla markaana ay dowladda ku gacan siinayaan sugida amniga iyo taageerida hey’adaha dowladda. Sidoo kale Madaxweynaha Masar C/fitaax Al-Sisi ayaa dhigiisa Soomaaliya u xaqiijiyay in ay sii wadayaan taageerada dhinac kasta leh oo lagu horumarinaayo Soomaaliya sida uu xaqiijiyay afhayeenka madaxtooyada Masar Calaa Yuusuf.Calaa Yuusf. 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda Masar ku bogaadiyay taageerada iyo garab istaaga Soomaaliya, caawimaada farsamo oo Masar ay siiso Soomaaliya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada