daajis.com:- Kulanka ay isugu yimaadeen waxgaradka deegaanka Awr-boogays ee Gobolka Sool ayaa waxay siwayn uga hadlay Qorshe halis badan oo maamulka Somaliland usoo maleegay kaasi oo lagu kala qaybinayo Bulshada Gobolka Sool, iyo Shir la doonayo in maamulka Somaliland uu ku qabto deegaankaasi.
Waxagradka ayaa waxay sheegeen inayna waxba kala socon shirkaasi, Sidoo kalana Dadka ka gaybgalaya ay yihiin kuwa laga keenay deegaanada uu maamulka Somaliland ku sugan yahay.
Waxay siwayn uga digeen dagaal iyo dhibaato ka dhalata deegaanka waxayna Tusaale usoo qaateen, Dagaalka hada ka socda Qaybo kamid ah Gobolka Sanaag, dagaaladii dhiiga badan ku daatay ee Aaga Buuhoodle iyo Colaada ka taagan Koonfurta gobolka Sool oo ay sheegeen inuu inta dhigay maamulka Somaliland.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:30 and have
, Published at