daajis.com:- Madaxwaynaha maamulka Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh ayaa Jeediyey Khudbad dhinacyo badan taabanaysa, Wuxuuna xooga ku saaray arimaha siyaasadda ee Soomaaliya iyo doorashooyinka sanadkan la qorshaynayo inay ka dhacaan Soomaaliya, Wuxuuna eedayn usoo Jeediyey Madaxwaynaha Soomaaliya isagoo sheegay inuu deegaankii uu ku dhashay maamul u dhisi kari waayey.
Dr. Galaydh ayaa wuxuu sidoo kale ka hadlay dhibaatada maamulka Somaliland uu ku hayo deegaanada maamulka khaatumo, Hadalkii kasoo yeedhay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, Shrikii ka dhacay magaalada Nairobi ee looga hadlay arimaha deegaanada Khaatumo, iyo Xubnaha deegaanka u dhashay ee Cadowga u kala dhuumanayo.
Ugu danbayntii wuxuu sheegay in madaxda khaatumo ay diyaar u yihiin inay Mucaarid iyo Muxaafidba dadka deegaanka Talada qaybtooda ka siiyaan, Wuxuuna ka hadlay arimo kale oo dhowr ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 11:30 and have
, Published at