daajis.com:- Saraakiil ka socotay Booliska dalka Mareykanka ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimada Somaliya, waxaana ay kulan la qaateen madaxweynaha iyo sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Somaliya Cumar Cabdirashiid Cali.
Ujeedada ay u soo gaareen Muqdisho saraakiisha ka tirsan Booliska dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay tahay xoojinta iyo wadashaqeynta ka dhexeysa Booliska labada dal.
Saraakiisha ka socotey Mareykanka oo kala ah Hugo McPhee iyo John M. Harring ayaa sheegay in dowladda Mareykanka oo horeyba dhinaca tababarada ka caawineysey Somaliya, ay haatan diyaar u tahay inay bilowdo barnaamijyo ay labada dal isku weydaarsanayaan khibradaha shaqo iyo tiknoloojiyadda casriga ah.
Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladdaha taageera dowladda Soomaaliya, waxaana dhowr jeer ay dowladda Mareykanku ay sheegtay in ay ka qeyb qaadanayso dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:00 and have
, Published at