DAAWO SAWIRRO: Afrika oo yeelatay baasaboor cusub

DAAWO SAWIRRO: Afrika oo yeelatay baasaboor cusub

daajis.com:- Afrika maanta waxay bilowday baasaboor cusub oo qaaradda oo dhan ka dhexeeya, kaas oo la siin doono dadka oo dhan kaddib marka uu si rasmi ah u dhaqan galo.

Baasaboorkan oo ah mid ay maamuleyso hay’adda Midawga Afrika ayaa lagu bilaabay madaxweynaha dalka Chat oo sidoo kale ah madaxa Midawga Afrika, Idris Debi iyo madaxweynaha dalka martigelinaya shirka ee Rwanda, Paul Kagame.

Sida ay sheegtay Delemina Zuma oo ah madaxa golaha Midowga Afrika baasaboorkan ujeedadiisu waxay tahay in lagu xoojiyo isdhexgalka Afrika.

Waxaa la qorsheynayaa in madaxda shirka ka qeybgaleysa loowada qeybiyo baasaboorka cusub, kaddibna ay bilaabaan sidii ay u meelmarin lahaayeen dhaqan galkiisa.

Magaalada Kigali ee dalka Rwanda oo baasaboorka lagu soo bandhigay waxaa ka socdo shirka madaxda Afrika ee 27-aad, kaas oo sidoo kale looga hadlayo xaaladda Sudanta Koofureed, miisaaniyadda qaaradda iyo doorashada golaha Midawga Afrika.

Hadda ergada iyo madaxdu waxay guda galayaan sidii ay u dooran lahaayeen dadkii badali lahaa gudoomiyayaasha guddiyada iyo gudoomiyaha guud.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada