daajis.com:- Maamulka Puntland ayaa si kulul uga Jawaabay Hadal ay sheegeen inuu kasoo yeedhay Maamulka Galmudug, Kaasi oo ku aadanaa in Saanad Ciidan ay Kooxda Al-shabaab uga soo degtay Dekeda magaalada Boosaaso.
Taliyaha Qeybta Bileyska Gobolka Bari Cabdi Xakiim Yuusuf Xuseen Geele oo ayaa Been Abuur Ku tilmaamey Warka kasoo Baxey Galmudug, Wuxuuna sheegay inay tahay Arin laga Fiirsan oo ku salaysan Cadownimo lagu wax yeelaynayo Reer Puntland, Wuxuuna sheegay inaan Reer Puntland u shaqaynin Cadowga Soomaaliyeed. “Waxaanu cadaynaynaa inay tahay Been Abuur ku salaysan, Nacayb, Fogaansho iyo Bahdil looga been sheegayo Reer Puntland” Ayuu yidhi.
Maalintii shalay Ayaa Ciidamada Galmudug waxay qabteen Gaadhiid Qalab Ciidan u siday Kooxda Al-shabaab oo Fadhiisin ku leh degmada Xaradheere ee Gobolka Mudug.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:35 and have
, Published at