daajis.com:- Magaalada Xingalool ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa maanta ka dhacay Banaanbax Balaadhan oo lagu Taageeray Midimada Soomaaliya iyo Ciidanka Puntland ee dagaalka kula Jira kuwa Somaliland, Sidoo kalana shacabka deegaanka ayaaa waxay sheegeen inay diyaar u yihiin Inay Hubka ka furtaan Ciidanka Somaliland.
“Inaga oo Shacab ah ayaynu isku Filanahay, Badhan, Xingalol, Dhahar, Qoyan iyo Jiigada iyo Dhamaan waa Diyaar, Cadowga soo galay 260 KM Gudaha, Waxba inoo aha, Hantideena ayay ku tirsan yihiin” ayuu yidhi Taliyaha Ciidamada Booliska ee maamulka Puntland ee deegaanka Xingalool.
“Waxaanu iska difaacaynaa Cadowga nagu soo duulay, Cambaarayn mayno ee waanu iska Difaacaynaa, Midnimada Soomaaliya waa Muqadis, Weerarka qaawan ee nagulu soo qaaday waxaanu uga Jawaabaynaa Gacan Bir ah “ Ayay dhalinyaradu ku cabireen Dareenkooda.
“Waxaa Ila Cajaa’iba, Ciidu way Xooribiye, Halkaad Cagaha dhigiyoo, Casho Qudha ku noolaan, Coomaadihiiyoow, Kii Cunay dadkiisoow” Ayay qaar kamid ah Haweenku ku Cabireen Dareenkooda.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 09:30 and have
, Published at