Dagaalkii Qaboobaa ee Maraykanka iyo Ruushka oo Dib u Bilaawday (VIDEO)

Dagaalkii Qaboobaa ee Maraykanka iyo Ruushka oo Dib u Bilaawday (VIDEO)

daajis.com:- Dalalka Ruushka iyo Maraykanka ayaa sanadihii danbe Cilaaqaadkoodu aad u sii xumaaday, kadib markii Ruushka uu xoog kula wareegay Jasiiradda Cremea oo hoos imaan jirtay dalka Ukraine.

Madaxweyne Putin ee dalka Ruushka ayaa sheegay in Lagu qasbay in ay la wareegaan jasiiradaasi, maadaama buuyiri ciidamada NATO ay bilaabeen inay O na galiyaan, oo ay afarta dhinac naga soo maraan.


Hadaba maalmihii u danbeeyay ayaa waxaa labada dal ka dhex qarxay dagaal iyo gacan ka hadal ah, loo gaysanayo shaqaalaha ka shaqeeya Safaaradaha labada dal.

Hogaamiyihii hore ee dalka Ruushka Mikhail S. Gorbachev ayaa waxa uu sheegay dalalka reer Galbeedku ay is moodeen inay gebi ahaanba ka guuleysteen dalalkii reer Bariga ee Ruushku hogaaminayay.

Waxase uu sheegay in haatan dunidu dib u gashay dagaal qaboow oo cusub oo ka dhashay taageradii Ruushku u fidiyay kooxaha Gooni isutaaga aaminsan ee bariga Ukraine.

Mikhail S. Gorbachev oo ahaa hogaamiyihii u ka taqlusay hanaankii Hanti wadaaga ee dalalaka reer Bariga.
ayaa sheegay in kala fogaashaha Ruushka iyo reer Galbeedku ay sababtay in xal loo waayo xaaladaha haatan dunida ka Jira.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada