daajis.com:- Maamulka Somaliland ayaa Ciidamo badan geeyay Qaybo kamid ah Gobolka Sanaag, waxaana la sheegay inay arintaasi doonayaan inay deegaanka uga Fuliyaan waxa loogu yeedhay IS-DIIWAAN GELINTA.
Maamulka Puntland oo ka hadlay Dhaqdhaaqa kasoo Cusboonaday Gobolka Sanaag ayaa sheegay in aysan u dul qaadan doonin Ciidamada somaliland ee duulaanka soo qaaday, Waxayna Puntland ugu Baaqday Bulshadad Gobalka sanaag inay danahooda ka tashadaan oo iska dhiciyaan dadka Gardarada kusoo weraraaya.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo saxaafadda kula hadlay Magaaladda Badhan ayaa digniin culus u diray Maamulka somaliland, wuxuuna sidoo kale codsi u jeediyey Beesha caalamka, DF iyo Dawladaha daneeya arimaha Soomaaliya.
Si kastaba Gobolada Sool iyo Sanaag ayaa la sheegay inay Curyaamiyeen maamulada Somaliland iyo Puntland oo magac ahaan u sheeganaya, Dhaqaalaha ay ku qaataana aanu soo dhaafin Hargeisa iyo Garoowe.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:00 and have
, Published at