Dowladda Gariiga oo Maxkamad Soo Taagtay Saraakiishii ka soo Baxsaday Dalka Turkiga (VIDEO)

Dowladda Gariiga oo Maxkamad Soo Taagtay Saraakiishii ka soo Baxsaday Dalka Turkiga (VIDEO)

daajis.com:- Dowladda Gariiga ayaa soo bandhigtay sideed ka mid ah Saraakiisha Militariga ee maalintii Sabtida ka baxsaday Turkiga, ka dib markii uu fashilmay afgambigii lagu doonaayay in xilka looga tuuro Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.

Saraakiishan oo ku lug lahaa afgambiga dhicisoobay, ayaa iyagoo la baxsaday diyaarad helicopter ahayd ka degay Magaalada Xuduuda ku taala ee Alexandroupoli, waxaana ay Gariiga weydiisteen in magangelyo uu siiyo.


Dowladda Gariiga oo ka cago jiiday in ay magangelyo siiso Saraakiishaasi, ayaa waxay maalintii Axada iyo Isniinta ay soo taagtey Maxkamad ku taala Magaalada Alexandroupoli, iyadoo uu Xafiiska Xeer Ilaalintuna ku soo oogay dacwad ah inay si aan sharci ahayn ay ku soo galeen dalkaasi.

Madaxweyne Erdoğan oo Axadii ay khadka teleefanka ku wada hadleen Ra’iisal Wasaaraha Gariiga, Alexis Tsipras, ayaa waxaa uu ugu baaqay in muddo 10 illaa 15 cisho loogu soo gacangeliyo Saraakiishaasi.

Gariiga oo Saraakiishaan ka dhigay labiskii askarta, ayaa iyagoo xiran dharka shibilka horkeenay Maxkamad. Waxaana qaarkood la siiyay dhar ay wejiyada ku qarsadaan, markii ay codsadeen, si aanay muuqaalo uga qaadin Suxufiyiinta.

Qaadiga Maxkamadda, ayaa shalay oo Isniin ahayd amray in xabsiga lagu sii haayo Saraakiishaasi, maalinta Khamiistana mar kale la horkeeni doono maxkamadda la xukumi doono.

Qareenka difaacaaya Saraakiishaan oo lagu magacaabo Lia Marinaki, ayaa waxay sheegtay in Saraakiishu ay jeclaan laheyd inay qaxooti ku ahaato Gariiga, intii lagu celin lahaa Turkiga. Sababtuna ay tahay iyagoo ka baqdin qaba in la dilo.

Dhanka kale Ra’iisal Wasaaraha Gariiga, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Xukuumadda Athens ay bilowday qorshihii Saraakiisha loogu celin lahaa Turkiga.

Ra’iisal Wasaare Alexis Tsipras, ayaa shacabka iyo Dowladda Turkiga ugu hambalyeeyay fashilka ay fashiliyeen duulaankii lagu soo qaaday dimoqraadiyadda dalkooda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada