Dundar..Ninkii Erdogan uga digay af-gambiga

Dundar..Ninkii Erdogan uga digay af-gambiga

daajis.com:- Dundar..waa mid kamid ah saraakiisha ciidamada Milatariga Turkiga, waxa uu qeyb libaax leh ka qaatay fashilinta inqilaabkii la doonayay in xukunka looga tuuro Madaxweyne Erdogan iyo Dowladiisa.

Dundar..ayaa galabnimadii jimcaha Taleefanka kasoo wacay Madaxweyne Erdogan, waxaana uu la wadaagay in saraakiil katirsan Milatariga ay qorsheeynayaan af-gambi, sidoo kale wuxuu u sheegay waqtiga rasmiga ah ee ay kusoo beegi doonaan iyo sida ay muhiim u tahay inuu badalo meesha uu markaas ku sugnaa.dundar

Jariirad kasoo baxda Stanbul, ayaa daabacday in Dundar saacad kahor inta uusan bilaaban howlgalka isgu dayga Af-gambiga uu lasoo xiriiray Madaxweyne Erdogan, si uu ugu sheego in af-gambi kusoo fool leeyahay, taas ayaana Madaxweyne Erdogan ka saaciday inuu islamarkiiba ka tago goobtii uu kusugnaa, kana badbaado isku day la doonayay in lagu dilo.

“Waxaad tahay madaxweynaheena sharcigaa, anigana garabkaaga ayaan taaganahay, waxaa jira qorshe af-gambi oo xoogan, xaalada magaalada Ankara gacanta ayay ka baxday, ee madaxweyne usoo jiheyso dhanka Stanbul, aniga ayaa sii damaanad qaadaya amaankiina” sidaas ayuu Sarkaalka Dundar taleefanka ugu sheegay Madaxweyne Erdogan.

Wax yar kadib markii uu Dundar taleefanka kula hadlay Madaxweyne Erdogan, ayaa hotelkii uu kusugnaa waxaa soo weerartay Helicopter ay la socdeen ilaa 40 askari, kuwaasoo qorshahooda ahaa ineey soo qabtaan ama dilaan Madaxweynaha.

Saraakiisha abaabushay Inqilaabka ayaa dhowr mar isku dayay ineey xiraan ama dilaan Dundar, kaasoo ka dhaga adeegay inuu qeyb ka noqdo inqilaabka.

Taliyihii hore ee Ciidamada Cirka Turkiga Jen. Akin Azturk ayaa qirtay inuu qorsheeyay isku daygii afgambiga ee guuldareystay jimcihii la soo dhaafay.

Sida ay qortay Wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in Jeneraal Akin Ozturk uu u sheegay baarayaasha inuu doonayay inuu afgambiyo dowladda.

Jeneraal Akin ayaa ka mid ahaa daraasiin jeneraalo ah oo maalintii shalay ay xireen Ciidamada ammaa
Sawirro ay soo bandhigtay Anadolu ayaa muujinayay ninkan oo dhowr dhaawacyo ay madaxa iyo wajiga kaga yaalaan.
Howl galada lagu qabanayo dadkii ku lugta lahaa afgambiga ayaa halkiisa ka sii socda, iyadoo shaqada laga eryay illaa 8,000 oo boolis, kuwaasoo la sheegay inay xiriir la lahayeen Fethullah Gullen.

Ugu yaraan 232 ruux ayaa ku dhimatay 1,400 oo kalana waa ay ku dhaawacmeen rabshado ka dhacay dalka Turkiga kuwaasoo ku lug lahaa inqilaabka dhicisoobay sidoo kale kumanaan ruux ayaa la xirey.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada