daajis.com:- Wararka laga helayo caasimadda Juba ee dalka South Sudan, ayaa sheegaya in tobaneeyo qof oo u badan askar, ay ku dhinteen dagaal xooggan oo shalay ka dhacay agagaarka madaxtooyada.
Weriye ku sugan magaaladaasi ayaa sheegay in dagaalka uu soo gaaray ilaa saacadihii hore ee Sabtida maanta ah.
Dagaalka ayaa oo u dhexeeya ciidamo kala taageersan madaxweyne Salva Kiir iyo ku xigeenkiisa Riek Machar, ayaa ahaa kii ugu xumaa ee dhaca tan iyo markii uu Mr Machar kusoo laabtay Juba bishii April.
Howlwadeennada caafimaadka ayaa sheegay in meydad badan la geeyay cisbitaalka guud ee Juba, ka dib markii ay buuxsantay goobta meydadka lagu keydiyo.
Dalka South Sudan ayaa maanta shan sano jirsaday, balse ma jiraan dabaaldegyo xuska loo sameeyay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:14 and have
, Published at