daajis.com:- Shir ay xalay isugu yimaadeen Golaha Ammaanka ee QM ayaa waxaa xilliga loogu kordhiyey Ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda Midowga Africa ee Amisom.
Dalalka xubinta ka ah Golaha amaanka ayaa waxay u wada codeeyeen in ciidamada AMISOM waqtiga loo kordhiyo ilaa bisha May 31-da 2017 ee sannadka soo socda.
Xilli-kordhinta ayaa la sheegay in lagu biiriyey Awoodda AMISOM inay ku yareynayaan cududa iyo cabsida Alshabaab iyo Kooxaha kale ee Hubeysan ee mucaaradka ku ah Dowladda Soomaaliya.
Golaha Ammaanka ee QM ayaa waxay soo jeediyeen in Ciiddanka AMISOM ay gacan ka siiyaan Ciidamada xooga dalka ee Soomaaliya inay Ammaanka dalkooda la wareegaan, in dadaalka Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta iyo Dhismaha Nabadda dalka Soomaaliya muhiimad gaar ah la siiyo.
Wuxuu kaloo Golaha Ammaanka ee QM ugu baaqeen Ciidamada Hawlgalka AMISOM, Inay baaraan Eedeymaha iyo Tacadiyadda ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha, lana dhowro Sharciyadda Caalamiga ee u degsan Ciidamada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:30 and have
, Published at