daajis.com:- Kooxda isugu yeerta dowladda Islaamka ayaa xaqiijisay in uu dhintay mid ka mid ah taliyayaashooda ugu sareeya oo la yiraahdo, Cumar Shishani.
Wakaalad wararka ka shaqeysa, oo xiriir la leh kooxdan, oo la yiraahdo Amaq, ayaa sheegtay in Shishani, oo ay horay ugu tilmaameen aqalka Maraykanka looga arrimiyo ee Pentagon-ka in uu yahay ‘wasiirka dagaalka’, lagu dilay dagaal ka dhacay dalka Ciraaq, magaalada Shirqat oo dhinaca koonfureed ka xigta Mosul.
Ninkan ayaa loo yaqaanay Cumar Chechen, Shishani waxa uu ahaa qaqable dagaal oo dagaallo adag la galay Ruushka.
Dhowr jeer oo hore ayaa la sheegay in uu dhintay.
Bishii Maarso saraakiil milateri oo Maraykan ah ayaa sheegay in lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha dalkaasi ka geysteen dalka Suuriya.
Sarkaalkan sare ayaa ka mid ahaa hoggaamiyayaasha kooxda dowladda Islaamka oo si aad ah uu u doondoonayay Maraykanka, iyaga oo madaxiisa horay u dul dhigay shan million oo doolar.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:15 and have
, Published at