Jeneraal Subagle oo Lagu Wareejiyay Hogaanka Ciidamada Amisom (SAWIRRO)

Jeneraal Subagle oo Lagu Wareejiyay Hogaanka Ciidamada Amisom (SAWIRRO)

daajis.com:- Ururka AMISOM ayaa janaraal Cismaan Nuur Subagle u magacaabay Taliyaha cusub ee howgalka midowga Afrika, wuxuuna xilka si rasmi ah ugula wareegay taliyihii isaga ka horeeyay ee janaraal Jonathan Rono kadib markii ii waqtigiisii dhamaaday.

Janaraal Subagle taliyaha cusub ee AMISOM ayaa kulan la yeeshay wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya ahna taliyaha guud ee howlgalka midowga Afrika danjire Francisco Caetano Madeira,iyagoo sheegay in isbedelkaan uu yimid waqti muhiim u ah howlgalka AMISOM.


“Janaraal ayaa yimid waqti aan doonayno in howlgalka AMISOM dib u eegis lagu sameynayo sanadkan 2016 waan ku faraxsanahay kulanka aan la yeeshay iyo wadahadalkeenna, Hadda fikradda howgalka waxay gashay xoog, hirgelinteedana waxaa ay imaanaysaa xilli uu isaga taliye ka yahay,” ayuu yiri danjire Madeira.

Wuxuu xusay in howlgalka uu iminka diiradda saari doono xaqiijinta ammaanka goobaha lagu qaban doona doorashada Soomaaliya, taas oo taliyaha cusub uu u lahaan doona dareen dhow isla markaana uu ku bixin doona hogaanka looga baahan yahay si arintaas loo xaqiijiyo.

Janaraal Cismaan Nuur Subagle, ayaa ka soo jeeda umadda aan walaalha nahay ee Djibouti, wuxuuna soo noqday madaxa AMISOM ee qeybta difaaca intii u dhaxeysay 2012-2013-kii, waxaana Danjire Madeira uu u rajeeyay janaraalka guul.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada