daajis.com:- Ugu yaraan lix askari oo booliis ah oo uu ka mid yahay taliye saldhig ayaa ku dhintay weerar ay Alshabaab ka gaysatay waqooyiga galbeed ee dalka Kenya.
Qofka ugu wayn ee looga shakisan yahay weerarka ayaa ka baxsaday saldhig booliis oo ku yaala Kapenguria.
Waa weerarkii koobaad ee la sheegay in Al-shabaab ay ka gaysteen gobolka galbeedka.
Ninka laga shakisan yahay ayaa magaciisa lagu sheegay Mwalimu Omari, waxaana la xiray labo maalmood ka hor isaga oo looga shakiyay in uu dhallinyaro qorayay oo uu barayay sida hubka loo isticmaalo.
Amin habeen ah ayay u suurtagashay in uu qori ka xoogo askari booliis ah isaga oo qaar ka mid ah laayay una baxay banaanka.
Booliisku waxay sheegeen in uu galay meesha saree ee waardigu fariisto uuna halkaas xabbado badan ka soo riday askar kalana laayay.
Wararkii u dambeeyay ee laga helayo goobtaasi waxay sheegayaan in la dilay hadda qofkii dhibkaasi gaystay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:13 and have
, Published at