daajis.com:- Kadib dagaalkii dhex maray xulufada Sacuudiga iyo fallaagada Yemen ee Xuutiyiinta qaxooti badan oo reer Yemen ah ayaa usoo cararay dalka Soomaaliya iyo jamhuuriyada goonida isu taagtay ee Somaliland.
Qaxooti badan oo Soomaaliyeed oo kasoo laabtay Yemen dirirtaa awgeed ayay qaxootigaa Yemeniyiinta ahi la yimaadeen gaar ahaan Bossaso iyo Berbera. In badan ayaa usoo gudbay Xamar iyo Hargeysa.
Haatan ayaa qaxooti badan oo Yemeniyiin ahi waxay kusugan yihiin magaalooyin badan oo Somaliland ka tirsan. Ilaa 10 kun oo Yemeniyiin ah ayaa ka qaxay dagaalka ka bilowday Yemen kuwaasoo yimid Somaliland.
Laga soo bilaabo bishiir Maarso ee sanadkaan ayaa Yemeniyiintu imaanayeen Somaliland.
Guud ahaan waxaa ku barakacay colaada Yemen ku dhawaad 200, 000 oo qof oo isugu jiray Yemeniyiin iyo ajaaniib dalkaa kunoolaa sida Soomaali qaxooti ku ahaa Yemen.
Dadkaa soo qaxay ayaa haatan ku suga qeybo kala duwan oo ah gobolka Geeska Afrika.
Yemen iyo Soomaaliya ayaa waxay wadaagaan dhaqan iyo xiriir ganacsi. Somaliland Yemeniyiintu waxay u imaan jireen hadana u yimaadaan ganacsi oo arimihii ganacsiga wali waa socdaan.
Haatan ayaa qaar ka tirsan qaxootiga Yemeniyiinta ahi waxay dhexgaleen dadka Somaliland oo durba qaar ayaa ganacsiyo ka furtay caasimada Hargeysa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:00 and have
, Published at