daajis.com:- Wafdi uu horkacayo Ra’isul wasaare ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.
Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka, Maxamed Cumar Carte iyo wafdigiisa oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ku soo dhoweeyey Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Juballand Max’uud Sayid Aadan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi.
Wafdiga mudane, Cumar Carte ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Wasiirka Gaadiidka, Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad Sugidda Soomaaliya iyo madax kale oo ka tirsan dowladda Federaalka.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa saxaafada u sheegay in ujeedada safarkiisa Kismaayo ay la xiriirto sidii ay kulamo ula qaadan lahaayeen madaxda maamulka Jubbaland iyo qeybaha bulshada magaalada Kismaayo, kuwaas oo ku saabsan dhinacyada xoojinta nabada iyo qabashad doorashooyinka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 11:30 and have
, Published at