daajis.com:- Shirkii ay maalmahan magaalada Kismaayo ku lahaayeen Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane, Maxamed Cumar Carte iyo madaxweynaha Maamul gobleedka Jubbaland Muddane Ahmad Mohamed Islam (Axmed madoobe) ayaa la soo gaba-gabeeyay.
Kulanka labada dhinac,waxaa la sheegay inuu ku soo dhammaday sidii wada-jir la isaga kaashado arimaha nabadgelyada dalka,sida lugu sheegay war ka soo baxay shirka u dhaxeeyay xukuumadda iyo maamulka Jubbaland.
Dowladda dhexe ee Soomaaliya,waxaa shirka uga qayb-galay wafdi ka koobnaa wasiirro iyo saraakiil ciidan oo uu hoggaaminayay ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka,Maxamed Cumar Carte iyo mas’uuliyiinta Jubbaland oo isugu jiray madaxda ugu sareeysa ee maamulka iyo saraakiisha ciidan.
Markuu soo dhammaaday shirka,waxaa saxaafadda la hadlay madaxweynaha Jubbaland,Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe),waxuuna sheegay in wadahallada dhexmaray labada dhinac ay ku saabsanaayeen arimaha amniga.
Shirkii Kismaayo-3
Madaxweynaha waxuu inta ku daray amniga inuu yahay shey muhiim ah, una baahan in si dhab ah loo wajaho islamarkaana laga miro dhaliyay arintaa oo uu tilmaamay in ay tahay mid macno badan u sameeyneeysa shacabka Soomaaliyeed
Axmed Madoobe waxuu dowladda dhexe ee Soomaaliya ku dhaliilay in ay ka gaabisay kaalintii ay ku lahayd sugidda amniga dalka, islamarkaana hay’adaha ka shaqeeya arimaha amniga dalka ay soo dhaafi waayeen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte oo shir jaraa’id qabtay ayaa waxuu isna sheegay in dowladda Soomaaliya ay culeeyska saareeyso sidii ay u dhisi lahayd ciidamada xoogga dalka Soomaaliya si ay kuwa ciidamada AMISOM ugala wareegaan amniga guud ee dalka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:00 and have
, Published at