USA oo aqbalaysa codsiga Turkiga ee ah soo masaafurinta Fethullah Gulen

USA oo aqbalaysa codsiga Turkiga ee ah soo masaafurinta Fethullah Gulen

daajis.com:- Fatxullaahi Guleen oo Taageerayaashiisa lagu eedeeyey Afgembigii Fashilmay ayaa sheegay inuu oggolaan doono haddii ay Maraykanka go’aamiyeen in laga masaafuriyo Maraykanka.

Isagoo Suxufiyiinta kula hadlay gurigiisa oo ku yaalla magaalladda Saylorsburg ee Gobalka Pennsylvania ee dalka Maraukanka ayaa sheegay inuu ka walaacsanayn Masaafurintiisa.

Dowladda Turkiga ayaa ka codstay Maraykanka in loo soo gacan geliyo Ninkaasi oo mucaarad ku ah Dowladda Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan.


Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, John Kerry ayaa sheegay haddii ay Dowladda Turkiga keento caddaymo muujinayas inuu Fatxullaahi Gulan ku lug lahaa Afgembigii Fashilmay in laga soo masaafurin doono Maraykanka,
Waxa uu ugu baaqay Dowladda Turkiga inay kicinin xiisad wax u dhimi karaa xiriirkooda, iyadoo labadaasdi dal xubno ka yihiin Isbahaysiga NATO.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada